Axmed Madoobe oo dalacsiiyey taliyaha amniga madaarka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Arbacada maanta ah wuxuu dalacsiiyey Maxamed Dhogor, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed oo nuqul kamid ah uu helay mareega Garowe Online.

Mr Dhogor ayaa ah Taliyaha Ammaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kismaayo kaasoo loogu magacdaray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Munaasabadda dalacsiinta oo ka qabsoontay gudaha madaarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha ugu sareysa ciidanka.

Madaxtooyadda ayaa baahisay in Dhogor uu ku muteystay dalacsiinta "dadaalkiisa iyo kartida uu u leeyahay shaqadda uu hayo.

"…waxaa uu intaas ku daray inuu ku boorinayo in shaqada uu sii dardar galiyo," ayay raacisay iyadda oo soo xiganeysa Axmed Madoobe.

Sidda ay wararku sheegayaan, sababaha kale ee uu Dhogor ku muteystay dalacsiinta waxaa qayb ka ah sugida amniga garoonka intii ay socdeen howlihii doorashooyinka iyo caleema saarka.

Shilinka diyaaradaha magaala madaxda ku meelgaarka ah ee Jubaland ayaa kamid ah kuwa ugu wanaagsan Soomaaliya, waxaana maalin walba taga kana soo baxa duulimaadyo dalalka deriska iyo goboalda dalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM