Axmed Madoobe oo dalacsiiyey taliyaha amniga madaarka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Arbacada maanta ah wuxuu dalacsiiyey Maxamed Dhogor, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed oo nuqul kamid ah uu helay mareega Garowe Online.

Mr Dhogor ayaa ah Taliyaha Ammaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kismaayo kaasoo loogu magacdaray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Munaasabadda dalacsiinta oo ka qabsoontay gudaha madaarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha ugu sareysa ciidanka.

Madaxtooyadda ayaa baahisay in Dhogor uu ku muteystay dalacsiinta "dadaalkiisa iyo kartida uu u leeyahay shaqadda uu hayo.

"…waxaa uu intaas ku daray inuu ku boorinayo in shaqada uu sii dardar galiyo," ayay raacisay iyadda oo soo xiganeysa Axmed Madoobe.

Sidda ay wararku sheegayaan, sababaha kale ee uu Dhogor ku muteystay dalacsiinta waxaa qayb ka ah sugida amniga garoonka intii ay socdeen howlihii doorashooyinka iyo caleema saarka.

Shilinka diyaaradaha magaala madaxda ku meelgaarka ah ee Jubaland ayaa kamid ah kuwa ugu wanaagsan Soomaaliya, waxaana maalin walba taga kana soo baxa duulimaadyo dalalka deriska iyo goboalda dalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM

Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 06:55AM