Baaq laga soo saarey taageerada Turkiga siiyo Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Dowladda Turkiga waa in taageerada ay siineyso dadka Soomaaliyeed ay noqotaa mid wax dhiseysa, sida uu cod dheer ugu baaxay mid kamid ah musharaxiinta sanadkan u taagan qabashadda xilka ugu sareeya dalka Soomaaliya.

Sida uu aaminsan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, taas bedelkeeda, taageerada Turkidu siineyso Soomaalida waa in aysan noqon mid wax burburineysa ama loo adeegsan karo la dagaalanka nidaamka curdanka ah ee dimuqraadiyada.

Hadalkan ayuu siyaasiga xalay ka sheegay madasha aragti-wadaaga Garowe Online ku martigeliyey bartiisa Twitter-ka taasoo ay si toos ah kaga qeybgalayeen ku dhowaad kun qof.

Warsame ayaa ka hadlayey doorka mucaaradka ee dowladnimada Soomaaliya. Su’aallo ayuu sidoo kale wuxuu kaga jawaabay qaar kamid ah dhageysteyaasha oo ay kamid ahaayeen mas’uuliyiin xilal haya iyo kuwa horey u soo qabtey.

Qadiyadda Turkiga ayaa kamid ahayd mid kamid ah su’aallaha ka yimid dhageysteyaasha taasoo sheegeysay in Ankara ay muddooyinkii u dambeeyay taageeradeeda noqontay mid lagu aamusinayo mucaaradka si gaar ah ciidanka ay tababarto.

"Turkiga waa in uu si masuuliyadi ku jirto u caawiyaa Soomaaliya. Wax la aqbali karo ma ahan in la tababaro/la siiyo hub askarta ka qayb qaadata amni darrada iyo caburinta mucaaradka," ayuu Warsame oo hogaamiya xisbiga Wadajir tibaaxay.

Turkiga ayaa Soomaaliya wuxuu u tababaraa ciidamadda booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kumaandooska Gorgor kuwaas oo ku lug-yeeshay dhacdooyin siyaasadeed oo maamulka Farmaajo u adeegsaday walina raaligelin ama magdhow aanu ka bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM