Baarlamaanka Galmudug oo loo diiday inay ka shiraan mooshin ka dhan ah Guuleed

Image

CADAADO, Somalia - Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta loo diiday in ku shiraan xaruntooda Cadaado, kadib markii ciidamada maamulkaasi ay is-hortaag ku sameeyeen.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, ayaa sheegay  in Xildhibaanada ay maanta ka doodi lahaayeen Mooshin ka dhan ah madaxweyne mamaulkaasi C/kariim Xuseen Guuleed.

"Ciidmada ilaalada Madaxtooyada oo ka amar qaadanaya Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa u diiday Xildhibaanada inay shiraan," ayuu yiri Xareed. 

Wuxuu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey uu mas'uul ka yahay is-hortaaga Kulamada Baarlamaanka Galmudug, ee lagula xisaabtamayo Madaxweyne C/kariim Guled. 

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ku jiraan Fasax la siiyay Labo bilood kahor, islamarkaana aysan qaban karin Kulamadooda caadiga ah. 

Laakiin, Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, ayaa ku doodaya inuu dhamaaday Fasaxooda. 

Wararka ayaa sheegaya in C/kariim Xuseen Guuleed, uu ku mashquulsan yahay Ololaha Doorashada Somalia,  waxaana uu mudo dheer ka maqan yahay xafiiska maamulkiisa Galmudug ee Cadaado.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM