Baarlamaanka HirShabeelle oo u yeeray Labo Gudoomiye Gobol

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeelle, ayaa doonaya inay su'aallo waydiiyaan gudoomiyeyaasha labada Gobol ee uu ka kooban yahay maamulkan uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

Dhowr Xildhibaan ayaa gudbisay mooshin ay ku dalbanayaan in gudoomiyeyaasha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inay yimaadaan Jowhar, islamarkaana ay ka jawaabaan su'aallo la xiriira xaaladaha amniga iyo kuwa bini'aadanimo.

Xildhibaan Mukhtar Hassan Mohamed ayaa Gollaha Maanta kahor akhriyey Soo Jeedinta u yeerida Gudoomiyayasha Gobolada ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, taasoo gudoonka sare ka aqbalay.

Baarlamaanka ayaa galay isla Maanta fasax kadib markii uu soo xirmay kal-fadhiga 2aad, iyadoo la filayo in Mas'uuliyiinta loo yeeray ay hor yimaadaan kalfadhiga 3aad, oo labo bilood kadib furmaya.

HirShabeelle ayaa ah maamulka ugu jilicsan dhinac walba Maamulada shanta ee ka dhisan dalka, waxaana la degay khilaaf, kala qeybsanaan iyo duruufo kale oo amniga iyo bini'aadanimada kamid yihiin.

Guudlaawe ayaa intii uu Madaxweynaha ahaa awoodi waayay inuu tago Beledweyne, kadib markii shacabka Hiiraan ay kasoo horjeesteen maamulkiisa, maadaama la jebiyay heshiiskii awood-qeybsiga beelaha, gaar ahaan kursiga Madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM