Baarlamaanka oo ka doodaya dhisamaha Gudi muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo sabti ah dood ka yeelanaya sharciga dhisamaha Gudiga madaxa-banaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa.

Gollaha shacabka waxaa ku sugan Xildhibaano boqolaal gaaraya, oo la filayo inay akhrinta saddexaad mariyaan sharcigan, iyagoo kadibna cod u qaadi doona, kaasi oo noqon kara diidmo ama ansixin.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa bishii July, ee sanadkan 2017 dib u celiyay sharciga la dagaalanka musuq maasuqa, kaasoo ay Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda federaalka ay hor-keentay Baarlamaanka.

Sababta dib loogu celiyay sharcigan, ayaa waxa uu Gudoonka ku sheegay inay ka maqan yihiin qodobo muhiim ah, oo u baahan in lagu soo daro, lana turxaan-bixiyo waxyaabaha aadka loo dhaliilayo.

Amaanka wadooyinka gala xarunta Baarlamaanka ayaa saaka aad loo adkeeyay, waxaana la hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, si looga hortago falal lidi ku ah amniga inta uu socdo Kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM