Banaanbax laga abaabulayo Muqdisho kadib warbixintii QM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali caddeyn mowqifkeeda warbixinta Qaramada Midoobay ee lagu xaqiijiyey in askar Soomaali ah ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqoyga Itoobiya.

Abshir Bukhaari, ku xigeenka koowaad ee afhayeenka Aqalka Sare oo xalay ka qeybgalay dood uu Twitter-ka ku qabtey Garowe Online, ayaa xukuumada xilgaarsiinta ku dhaleeceeyay aamusnaanta.

"Aamusnaanta hay'adaha dowladda waxay muujineysaa in askarta si qaldan loo qoray looguna diray Eritrea halkaasoo ay ka jiraan gabood-falo ka dhan ah xuquuqda bini'aadamka," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay Bukhaar, aamusnaanta hogaanka waqtiga ka dhamaadey ee dowladda federaalka ah waxay ka turjumeysaa in "kalkii hore qaab madmadow uu ku jiro lagu diray ciidamadda".

"Qaabka qorista wuxuu ahaa mid madmadow badan ka jiro. Dhalinyarada waxaa lagu duufsaday macluumaadyo qaldan. Waxaa loo sheegay in loo qaadayo Qadar," ayuu Bukhaari ka dhawaajiyey.

Dhanka kale, taliyihii hore ee hay'ada sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Sanbaloolshe, ayaa ku taliyey in kiiska la gaarsiiyo masraxyada caalamka lagana qeybgeliyo hay'addo kala duwan.

"Hogaamiyeyaasha Soomaalida waa in ay ugu baaqaan hay'adaha sharci-fulinta caalamiga ah in ay gacan ka geystaan soo celinta wiilashan. Waase haddii ay jirto qaab la jecel in lagu xaliyo qadiyadan," ayuu Sanbaloolshe ku daray.

Sanbaloolshe ayaa hadalkiisa wuxuu intaas kusii daray "wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya way ku deg-degtaa in ay ka dhiidhiso tacadiyada Kenya ee gobolka Gedo balse way ka aamsan tahay wiilasha Soomaaliyeed ee loo diray Eritrea inkasta oo caddeymaha soo if-baxaya ay muujinayaan in ay ka dagaalameen gobolka Tigray".

Geesta kale, warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in waalidiinta wilashooda iyo gabdhahooda tababarka loogu qaadey Eritrea ay qorsheynayaan banaanbax ay ka dhigaan caasimada kadib warbixinta cusub ee UN-ka.

Colaada gobolka Tigray ayaa bilaabatay bishii November, 2020. Xukuumada Abiy Axmed waxay ugu duushay gobolka si ay meesha uga saarto jabhada TPLF kuwaas oo hadda isugu jira qaar la qabtey, kuwa la dilay iyo tiro baxsatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

IGAD oo ka hadashay magacaabista Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Ahmed Moallim Fiqi, oo horey u soo noqday Madaxa Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 08:41AM

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM