Banaanbax looga soo horjeedo DFS oo ka dhacay Baydhabo

Image

Baydhabo,Somalia August 25, 2014 (Garowe Online)- Banaan bax looga soo horjeeda dowladda Federaalka ayaa maanta ka dhacay magalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay iyadoo dadwayne faro badan soo buuxiyeen wadooyinka.

Dibad baxaan ayaa salka ku hayay sida mas'uuliyiinta Baydhabo sheegeen safar Ra'iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Ergayga QM ee Somalia Nichalas Kay ku tagi lahaayeen maanta 25 August,2014 Baydhabo balse u baaqday kadib markii banaanbaxan uu hareeyay.

Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka lixda gobal ee Koonfur galbeed ayaa ka qayb galay isku soo baxaan kuwaasoo ku hadaaqayay erayo ka dhan ah siyaasadda dowladda Xasan Shiikh Maxamuud.

Hal qof ayaa markii danbe ku dhintay is hortaag ciidamada amaanka ku sameeyeen dadkan banaanbaxayay waxaana wararku sheegayaan in dad kale ku dhaawacmeen kuwaasoo lagu dabiibayo isbitaaalka Baydhabo.

Sawiradda Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Nichalas Kay ayay dadku ku gubayeen wadooyinka taasoo u muuqata inay si aad ah uga soo horjeedaan socdaalka labadaan mas'uul ku tagi lahaayeen magalada Baydhabo.

Dhowaan ayaa lagu heshiiyay magaalada Muqdishu in maamul saddex gobal ka kooban loo dhiso gobaladda Bay,Bakool iyo Shabeelada hoose balse waxaa muuqata in qaybo ka tirsan shacabka goboladaas diidan yihiin.

Wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helayno xaalada Baydhabo ayaa muujinaya inay wali kacsan tahay xiisada lagana yaabo in dagaal uu mar kale magalada gudaheeda ka dhaco.

Ma jirto hadal kasoo baxay madaxda DF  oo ku aadan xaalada kacsan ee magalada Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM