Khasaaraha dabkii qabsaday xarunta Bangiga Dhexe oo laga warbixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey khasaaraha dabkii xalay saqdii dhexe ka kacay qol kamid ah xaruntooda Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Bangiga oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in qolka uu ahaa mid aanan la isticmaalin.

Waxyeelada uu geystay dabka ayaa ku kooban fillooyin iyo qolka oo gubtay, sidda ku xusan bayaanka, oo meesha ka saarey in uu jiro khasaaro isugu jira naf iyo mid hanti.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Habeenimaddii xalay oo taariikhdu 27/12/2020 ayaa qol ka mid ah xafiisyada dambe Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka kacay dab, xilli saq dhexe ahayd.

Dabku waxa uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin.

Ciidanka ilaalada Bangiga Dhexe ayaa markiiba ogaaday, isla-markaana degdeg u wargeliayay Ciidanka Dabdemiska, Maamulka Bangiga, Hay’adaha amniga iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa isla markiiba goobta soo gaaray Dabdemiska oo muddo daqiiqado kooban ah ku demiyay dabkaas.

Ma jiro wax khasaare naf ama hantiyeed oo soo gaaray Bangiga Dhexe, marka laga reebo fiilooyinka korontada ee qolkii dabku ka kacay oo u baahan in la beddelo.

Maamulka Bangiga Dhexe wuxuu u mahad celinaynaa ciidamka dabdemiska iyo hay’adaha amniga oo gacan weyn ka geystay in laga hor tago in khasaare ka dhasho dabkaas.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM