​Barlamanka Cusub oo kulan uga furmay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada Labada Aqalka Barlamanka cusub ee Somalia ayaa maanta Kulankoodii ugu horeeyay uga furmay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdishu.

Shirkoodan ayaa mudanayaashu uga doodi doonaan qodobo ay kamid tahay; Doorashada Gudoonka Labada Aqal iyo waqtiga la qaban lahaa, waxaana lagu wadaa inay magacaabaan maanta Gudiyo arrimahaasi kasoo shaqeeya.

Kulankan oo ay daadihinayaan Gudoonka KMG ah, ayaa la filayaa in laga soo saaro Jadwal cusub, oo ku aadan Doorashada Afhayeenada Aqalka hoose iyo sare ee Baarlamaanka oo lagu wado inay dhacdo 5-ta January.

Ammaanka dhisamaha Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ilaalanaya wadooyinka soo gala ciidamada dowladda Somalia kuwa Midoga Africa ee AMISOM.

Waa Kulankii ugu horeeyay oo Xildhibaanada cusub ay ku yeeshaan magaalada Muqdishu tan iyo markii la dhaariyay Talaadadii lasoo dhaafay, iyadoo beesha caalamka ku baaqayso in la dedejiyo dhismaha dowladda cusub ka hor furitaanka shirka Qaramada Midoobay 19 January, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM