Beesha Caalamka oo "aan ictiraafi doonin" doorashada Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay mushkilada doorashada Galmudug ayaa sheegay in Beesha Caalamka "aysan ictiraafi doonin" natiijo kasta oo soo baxda.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ku baaqay in "gacanta laga qabto" xukuumada oo "waddo qardajeexa ku wada" hanaanka coddeynta.

Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya iyaddoo maamulku qarka u saaran yahay in uu yeesho hogaan kala duwan maadaama ay jiraan guddiyo doorasho oo kala taabacsan Xaaf, Ahlu Sunna iyo Villa Somalia.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Madaxda Dowladda Federaalka ee haatan joogta ma aysan fara gashan doorashadii Galmudug ka dhacday bishii Maarso 2017-kii ee lagu doortay madaxweyne Xaaf. Sidaas darteed doorashadaas haba yaraatee wax qalqal, is qabqabsi iyo xasillooni darri ah kama dhalan.

Maantase way ka duwan tahay oo waxay soo magacawday guddi farsamo oo shaqaalaha rayidka dowladda ka tirsan, waxay odayaashii dhaqanka ka dhaceen magacaabistii xildhibaannada , iyagoo xildhibaan kasta damiin uu ka yahay ruux dowladda u shaqeeya oo xilkiisa waynaya haddii Xildhibaankiisu la kulmo amaba u codeeyo musharraxa aan ahayn kan dowlada wadato.

Waxay afduubeen guddigii doorshada Galmudug. Markii la waayey cid is diiwaan gelisa, waxay keeneen nin hal maalin aan musharraxnimo sheeganin, balse ka tirsanaa ololaha doorashada musharraxa dowladda.

Waxaa diiday musharraxiintii, odyaashii, Ahlusunna, Gudiga uu Prof Shirwac hoggaamiyo oo ay beesha xilka ku tartmaysa ka soo jeedaan. Ugu danbayntiina Beesha Caalamka ayaa qaylo dhaan afka yeertay.

Waxaan waydiinayaa reer Galmudug xaggey joogtaa dowladda maamul u dhisaysa Galmudug? Haddiise maamulka haatan la dhisayo dul saar ku noqdo hoggaanka dowladda ee haatan jira, sanad ka dib yaa bixinaya? mise sidii madaxweynihii hore ee Galmudug ayuu is casilayaa haddii doorshada federaalka saaxiibkiis looga guulaysto.

Waxaan u baahannahay Galmudug aan cillin ahayn, cidna dul saar ku ahayn. Yaan lagu daalin doorasho loo qabanayo musharrax iyo malxiiskiis oo ay saamilaydii siyaasadeed ee Galmudug si aan kala har lahayn u qaaddaceen, beesha caalamkana sheegeen in aysan ictiraafi doonin natiijadeeda maadamaa aan loo dhammeyn, la iskuna raacsanayn.

Cidii Galmudug u naxaysa qolada wadada qardajeexa ku wada gacanta ha qabtaan.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM