Beesha Caalamka oo soo dhaweysay go'aanada Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamid ah daneeyeyaasha caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay talaabooyinkii uu maanta qaadey madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isaga oo ka hadlayey fadhi gaar ah oo Golaha Shacabka yeeshay, Farmaajo ayaa shaaciyey in uu mas'uuliyadda maamulka doorashada iyo amnigeeda wuxuu ku wareejiyay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Rooble.

Aqalka Hoose ayaa sidoo kale wuxuu aqbalay dalab uu hor-dhigay Farmaajo kaasoo ahaa in ay laalaan qaraarka muddo kororsiga labada sano ee muranka dhalisay iyo in dib loogu laabto heshiiska 17-kii September.

Mareykanka oo soo dhaweeyay go'aanadii uu maanta qaadeen Farmaajo iyo Golaha Shacabka si lamid ah doorka Rooble ee dhaqangelinta doorashooyinka Soomaaliya ayaa carabka ku adkeysay in "waajib ay tahay in coddeynta lagu qabto sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan".

Midowga Yurub oo soo dhaweeyay go'aanka ku laalay muddo kororsiga iyo shaacinta Farmaajo ee ku aadan in uu xukuumadda xilgaarsiinta ku wareejiyey maamulka iyo ammaanka doorashooyinka ayaa adkeeyay in Rooble looga baahan yahay in uu hogaamiyo wadaxaajoodyo Soomaali u dhan tahay.

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay kaalinta cusub ee uu cayaarayo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo go'aanka Golaha Shacabka dib ugu soo celiyey heshiiska 17-kii September kadib dalabka Farmaajo ayaa hogaamiyeyaasha Soomaaliya ku boorisay in ay ku laabtaan wadaxaajoodka ayna diyaariyaan doorashooyinka.

Dhanka kale, qaar kamid ah Xildhibaanadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dalbadey in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku caddeynayo wareejinta maamulka doorashadda iyo guud ahaan ammaanka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Colaadda Gobolka Gedo: Dagaal culus oo dib uga qarxay Beled-Xaawo

Goob-joogayaal ayaa soo sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus sida madaafiicda.

  • Soomaliya

    29-07-2025

  • 12:13PM

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM