Beesha Caalamka oo soo dhaweysay go'aanada Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamid ah daneeyeyaasha caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay talaabooyinkii uu maanta qaadey madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isaga oo ka hadlayey fadhi gaar ah oo Golaha Shacabka yeeshay, Farmaajo ayaa shaaciyey in uu mas'uuliyadda maamulka doorashada iyo amnigeeda wuxuu ku wareejiyay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Rooble.

Aqalka Hoose ayaa sidoo kale wuxuu aqbalay dalab uu hor-dhigay Farmaajo kaasoo ahaa in ay laalaan qaraarka muddo kororsiga labada sano ee muranka dhalisay iyo in dib loogu laabto heshiiska 17-kii September.

Mareykanka oo soo dhaweeyay go'aanadii uu maanta qaadeen Farmaajo iyo Golaha Shacabka si lamid ah doorka Rooble ee dhaqangelinta doorashooyinka Soomaaliya ayaa carabka ku adkeysay in "waajib ay tahay in coddeynta lagu qabto sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan".

Midowga Yurub oo soo dhaweeyay go'aanka ku laalay muddo kororsiga iyo shaacinta Farmaajo ee ku aadan in uu xukuumadda xilgaarsiinta ku wareejiyey maamulka iyo ammaanka doorashooyinka ayaa adkeeyay in Rooble looga baahan yahay in uu hogaamiyo wadaxaajoodyo Soomaali u dhan tahay.

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay kaalinta cusub ee uu cayaarayo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble iyo go'aanka Golaha Shacabka dib ugu soo celiyey heshiiska 17-kii September kadib dalabka Farmaajo ayaa hogaamiyeyaasha Soomaaliya ku boorisay in ay ku laabtaan wadaxaajoodka ayna diyaariyaan doorashooyinka.

Dhanka kale, qaar kamid ah Xildhibaanadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dalbadey in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku caddeynayo wareejinta maamulka doorashadda iyo guud ahaan ammaanka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM