Beesha Caalamka oo ka walaacsan khilaafka doorashada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee kasoo cusboonaadey arrimaha doorashooyinka Galmudug.

Ugu horeyn, waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin in iyaddoo la marayo heer gabagabo ah kadib bilooyin ay soo socdeen dedaalo uu yimaado is-mari-waagaas.

Deeq-bixiyeyaasha ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay kawada qeyb qaatan hanaanka dhismaha Galmudug islamarkaana ka fogaadan waxkasta oo keeni kara xasilooni darro.

"Tani waxay u baahan doontaa qaab loo wada dhan yahay, lagu abuuray wadahadal, iyo in dhamaan darafyadda ay u dabacsan yihiin," ayuu ku daray warka qoraalka ah.

Wallow ay jiraan eedeymo musuqmaasuq, saaxiibada caalamka ayaa bogaadiyey dedaalada xukuumadda ee dhaliyey dhismaha baarlamaanka iyo tanaasulka shacabka.

Madaxweyne Xaaf oo ku sugan Gaalkacyo, gudoonka baarlamaanka, Ahlu Sunna, murashaxiinta iyo saamileyda ayay ku booriyeen in ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan.

"Daneeyeyaasha waxay ku baaqayaan in talaabooyinka harsan lagu dhameystiro tanaasul, si loo heli Galmudug oo ay ka faa'iidaan dadkeeda," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM