Booliska Soomaaliya: Cabdirashiid Janan wuxuu ka baxsaday xabsiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay in uu xabsiga ka baxsaday Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga dowlad goboleedka Jubaland.

"Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan [Janan] ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa," sidaas waxaa Twitter-ka kusoo qortay Zakiya Xuseen, taliye ku xigeenka bileyska.

Waxay raacisay: "Hay'adaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan".

Cabdirashiid Janan ayaa la qabtay bishii August 31-keedii sannadkii aynu soo dhaafnay 2019, waxaana dawladda Soomaaliya ay ku eedaysay inuu galay "dambiyo culus".

Xariggiisa ayaa waxaa cambaareeyey dowlad goboleedkeediisa Jubbaland oo ku qeexay "afduub iyo talaabo baalmarsan dastuurka qabyadda ah ee waddanka u yaala".

Dhinaca kale, qabashadiisa waxaa soo dhoweeyey hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo ku baaqday in maxkamad lasoo taago.

Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa illo wareedyo waxay kasoo xigatay in halka uu ka baxsaday "la geeyay shan maalmood ka hor".

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in goobta uu ka fakaday ay ku dhow xarunta nabad-sugida Soomaaliya ee loo yaqaano Habar Khadiijo kaabigana ku haysa Madaxtooyadda.

"Wuxuu adeegsaday meel daaqad ah markii uu baxsanayey," ayay yiraahdeen illo wareedyadda u waramay VOA-da, oo soo bandhigtay sawir lagu tilmaamay in uu yahay "meesha uu ka baxsaday".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM