Cabsidii laga qabay in Galmudug yeelato madaxweyneyaal oo korodhay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Baqdintii ku saabsaneyd in Galmudug yeelato madaxweyneyaal iska soo horjeeda ayaa maanta oo Arbaco ah xoogeysatay, sidda ay xaqiijiyeen warar kala duwan.

Cabsidda ayaa meeshii ugu sareysay gaartay kadib markii guddiga doorashada dowlada iyo Ahlu Sunna ay dardargeliyeen dhaqdhaqaaqyadda ay kawadaan Dhuusamareeb.

Garabka xukuumada federaalka ayaa dhageysatay khudbadaha siyaasiyiin uu kamid yahay murashaxa "ay maal-gelineyso" Villa Soomaaliya. Berri ayay dooran doonan madaxweyne iyo ku xigeen.

Dhanka kale, guddiga ay magacowday Ahlu Sunna ayaa shaaciyey in ay Sheekh Shaakir u diiwaan-geliyeen murashax madaxweyne, isla markaana uu ku biirayo laba kale.

Warar isa-soo-taraya ayaa tibaaxaya in ay suurtogal tahay in isla maanta ay Ahlu Sunna ku dhawaaqdo madaxweyne.

Axmed Macalin Fiqi, oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa rumeysan in Xildhibaanada Ahlu Sunna ay hogaamiye u dooran doonan Shaakir.

Geesta kale, madaxweyne Axmed Ducaale Geelle "Xaaf" ayaa koonfurta magaalada Gaalkacyo kawada qaban-qaabada doorasho kale.

Murashaxiinta mucaaradka oo horey kaga digay in ay soo baxaan arrimahaan ayaa ku adkeystay baahida loo qabo wadahadal iyo is-qanci si loosoo afjaro ismaandhaafka.

Beesha Caalamka oo bayaan ku muujisay dhexdhexaadnimo ayaa darafyadda ku boorisay in ay sameeyaan tanaasul si loo helo maamul loo dhan yahay oo ay ka faa'iidaan bulshadda Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM