Ciidamo loo xiray taliye lagu dilay bar laga ilaaliyo Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyihii ururka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya ayaa lagu dilay iska hor-imaad Jimcadii ka dhacay Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Maxamed Suleymaan Abuukar ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey isku dhaca ilaaladiisa iyo ciidamo boolis ku dhexmaray nawaaxiga Madaxtooyada gaar ahaan argagaarka Tiyaatarka.

Goobta dhacdada laga soo wariyay ayaa waxaa ku yaala kontarool ay ciidamo boolis ah ku sugan yihiin, kaasoo kamid ah baraha laga ilaaliyo ammaanka Madaxtooyadda Qaranka.

Maxamed Daahir, oo ah korneyl ka tirsan taliska booliska, ayaa u sheegay GO in ciidamo halkaas ku sugnaa loo xiray falkan, kuwaas oo wajahaya dacwad kahor inta aan su'aalo la waydiin.

"Nasiib daro, askari kale oo ilaalo u ahaa taliyaha ayaa ku naf-waayey dhacdadan oo baaritaan lagu sameyn doono waxa dhaliyey," ayuu Korneylka hadalkiisa ku daray.

Korneyl Daahir ayaa wuxuu ka gaabsaday in uu shaaca ka qaado tiradda guud ee askarta xabsiga loo taxaabay. 

Ururka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya ayaa waxaa tababaray ciidamadda Turkiga, waana cutubyadii ugu horeeyay ee kasoo aflaxay Dugsiga Tababarka Turkidu ku leeyihiin Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM