Ciidan uu Qoorqoor dalbadey oo laga dejiyey Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ciidamo uu horkacayo taliyihii hore booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, ayaa Isniintii todobaadkan laga dejiyey madaarka diyaaradaha caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sida ay sheegeen laba illo wareedyo oo si dhow ula socda kiiskan, askarta, oo lagu qiyaasayo 100 askari, ayaa diyaarad gaar ah iyaga iyo hubkooda waxay ka qaadey garoonka diyaardaha magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah illo wareedyadda ayaa intaas ku daray in madaxwayne Qoorqoor uu codsadey ciidamaddan "maadaama ay dhowaan bilaabaneyso doorashooyinka lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka dalka".

Qoorqoor ayaa, sida ay xoguhu caddeynayaan, wuxuu dalabkan hor-dhigay ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble "kaasoo si biyo-kama-dhibcaan oo hadal kasoo celin aan lahayn ku meelmaryey soojeedintaas".

Saadaq Joon oo dhowaan kasoo laabtey socdaal dhanka dibada ah kaasoo la rumeysan yahay in uu dalal dhowr ah kusoo maray ayaa ku jiray saraakiishii diidey muddo kororsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo.

"Waxaa la filayaa in maalmaha soo aadan ay ciidan kale oo horleh iyo hubkooda ay gaaraan Dhuusamareeb. Balse, ma cadda cidda ay sida tooska ah uga amar-qaadanayaan askartan," ayay raaciyeen illo wareedyada.

Lama ogga haddii Qoorqoor uu dalabkiisa ku wargeliyey Villa Soomaaliya iyo agaasimaha hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, oo dano weyn ka leh doorashooyinka Dhuusamareeb.

Maamulka Farmaajo ayay dharbaaxo kulul ku noqon kartaa haddii aysan la socon qorshahan ciidan, balse, haddii ay ogaanshiyahooda loogu daabulay waxay waa cusub ku baryineysaa musharaxiinta dhinaca mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM