Ciidanka oo Al-Shabaab ka qabsadey goobo muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab dagaal kaga qabsadey degmadda Camaara ee koonfurta gobolka Mudug. Waa degmaddii labaad ee maleyshiyadda laga xorreeyo laba maalin gudahoodda.

Shalay waxaa iska caabin la'aan loogala wareegay Bacaad-weyn. Sawirro ay soo bandhigtay warbaahinta dowladda ayaa muujinaya ciidanka oo ka tirsan qeybta 21-aad oo calan Soomaaliyeed ka taagaya fariisimahoodii hore.

Magaalada hoostagta Galmudug ayaa isbedelo badan ay ka dhaceen todobaadyadii lasoo dhaafay. Wasaaradda ammaanka maamulkan uu hogaamiyo Axmed Qoorqoor waxay xustey in howlgaladda ay sii socon doonan.

"Argagixisadii waa firxadeen, calankii madoobaa dabayshaa qaaday waxaana ka dul-babanaya fariisimihii kooxaha argagixisada lahayd calanka qaranka iyo kan Galmudug state," ayay tiri.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa intaas lasii raaciyey: "Ciidamada qalabka sida waa ku mahadsan yihiin nafhurnimada iyo sida geesinimada leh ee ay argagixisada u baacsanayaan".

Taliyaha ururka Horseed ee Ciidamada Daraawiishta Galmudug G/le Maxamed Cali Salaad oo hawlo kormeer ku guda-jira magaalada Bacaadweyn ayaa ammaan ugu qubeeyay ciidamadda xoogga dalka.

"Waxaan siibnay catirtii madoobayd ee kooxda argagixisada Shabaab, waxaana booskeedii aan surnay calanka qaranka iyo kan Galmudug, argagixisada doolka iyo gardarada ku timid deegaanadeena waxaan ku cadaabi doonaa gacmaheena," ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa kamid ah halisaha ugu waaweyn ee horyaala doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya. Maleyshiyadda waxay horey ugu goodisay odayaasha soo xalay baarlamaanka 10aad ee hadda waqtiga uu ka dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM