Coronavirus oo galay Xalane, shaqaale ka tirsan UN-ka oo qaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah wuxuu u xaqiijiyey in qandaraasle ganacsi oo iyaga ka tirsan laga helay caabuqa safmarka ah ee Coronavirus.

Qandaraaslaha ayay sheegeen in muddo sideed maalmood ah ay geliyeen karan-tiil. Waxay intaas ku dareen in ay su'aallo waydiinayaan shaqsiga haddii uu la kulmay dadyow kale.

Howlgalkooda ayay sheegeen in ay u diyaar-garoobeen ka hortagga faafitaanka fayruskaas dilaaga ah.

"Ahmiyadeena koowaad waa in aan daryeelno qandaraaslaheena kana hortagno faafitaanka," ayay raaciyeen.

Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay shaaciyeen in ay kala shaqeyn doonan in nidaamka caafimaad ee dalka loo diyaariyo si uu u xakameeyo faafitaan intaas ka badan.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ruuxaan ajanbiga ah ee laga helay cudurka uu soo maray wadamo kala duwan uu xanuunkaas uu saameeyay.

Soomaaliya ayaa caalamka waydiisatay in ka badan 57 milyan oo Doolar-ka Mareykanka si ay ula tacaasho xaaladaha la xiriira ka hortagga xanuunkaas oo illaa iyo haatan dunida ku galaaftey in ka badan 24-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM