Daafaca xulka Soomaaliya oo tahriib ka doortay matalaadda Qaranka

Image

TUNIS (GO) - Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ciyaartoyga Difaaca Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Horseed Mohamud Ali (Etop) uu ka baxsaday Xerada Tababarka ee xulka ku lahaa dalka Tunisia.

Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in difaaca uu doonayay inuu si sharci darro ah ku galo dalalka Yurub, taasoo saameyn ku yeelan karta sumcadda dalka ee dibadda.

Tunisia ayaa qaddar saac ah u jirta dalka Talyaaniga oo ah dalka Yurub ee ugu dhow, waana dal ay inta badan dadka tahriibayaasha ah si fudud ku geli karin.

Docda kale, Wafdiga xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta gaaray dalka Algeria iyaga oo la ciyaari doona dhiggooda Algeria lix iyo tobanka bishan.

Waxaana xusid mudan in xulka Eritrea uu isaga haray isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026-ka, kaddib markii ay ka baqeen in ciyaartoygoodu u baxsadaan dalal shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM