Dab qabsaday xarunta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya; khasaaro jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dab la sheegay in uu ka dhashay koronto ayaa xalay qabsaday qeyb kamida xarunta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, sidda uu xaqiijiyey maamulka gobolka Banaadir.

Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], gudoomiyaha gobolka, ayaa tilmaamay in gaadiidka dab-damiska oo waqtigii loo baahnaa ka jawaabay ay yareysay khasaaraha.

Duqa magaalo madaxda dalka dhaca Geeska Afrika oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaanan daboolka ka qaadey waxyeelada guud ee ka dhashay dabka.

"Dadweynaha waxaan ugu baaqeynaa in ay guryahooda dhigtaan Gaaska Oxygen-ka, si loo yareeyo waxyeelada ka dhalan karta khasaaraha noocaan ah," ayuu hadalkiisu ku daray.

Shaqaalaha dab-damiska ayuu kaga mahadceliyey "naf-hurnimadda" ay muujiyeen iyo in ay si degdeg ah kaga jawaabeen.

Xarunta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ku taala degmada Shangaani ayaa ah goob ammaankeeda aad loo sugo mana cadda qaabka dabkaan uu ku kacay.

Warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa ku warameysa in khasaaraha la xaqiijiyey uu u badan yahay mid hantiyadeed gaar ahaan xafiisyo gubtay iyo qeybo kamid kale oo aad muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM