Dad ku dhintay weerar ay dabley ka fulisay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Saddex qof ayaa ku dhimatay, tirro kalana way ku dhaawacmeen weerar gaadmo ah oo dabley ay xalay ka fulisay bartamaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Marxuumiinta oo dhamaantooda ahaa shacab ayaa waxaa kamid ah Cumar Nuur Calow, ganacsade, iyo Liibaan Cumar, mid kamid ah dhalinyaradda xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in kooxda hubeysan ay si aan kala sooc lahayn rasaasta ugu beegsatay dadka shacabka ah oo waqtigaas ku sugnaa meelo lagu caweeyo.

Illaa haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay beegsigan. Sidoo kale, waxaanan wali la aqoonsan waxay ahaayeen dableyda oo lagu waramay in ay badankooda indhaha soo qarsadeen.

"Dadka ku dhaawacmay rasaasta oo tiradoodu ka badan tahay illaa lix ruux waxaa loola cararay goobaha caafimaadka halkaasoo lagula tacaalayo caafimaadkooda," ayay ku daray qof goobjooge ahaa.

Taliska booliska Dhuusamareeb oo si kooban uga warbixiyey falkaas una tacsiyeeyay marxuumiinta soo kabashana u rajeeyay bukaanada ayaa tibaaxay in uu baaritaan ku sameyn doono dhacdadan.

Dhacdadan oo su'aallo badan dhalisay qaabka ay dableyda ugu suurtagashay ayaa imaaneysa iyaddoo lagu waddo in caasimada Galmudug ay dhowaan ay ka bilaabato doorashooyinka heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM