Dagaal ka qarxay bariga gobolka Mudug

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Labo malleeshiyo beeleed ayaa saaka dib uga qarxay deegaano ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka naga soo gaaraya gobolka ayaa waxay sheega in colaadda socota ay u dhaxayso labo beelood oo kasoo jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo mudooyinkii isku gayay bariga gobolka.

Dagaalkan ayaa ka bilowday aroortii hore ee saaka Abaare 05:00-AM deegaanka Godad, waxaana dadka degaanka ay ku soo tooseen rasaas socota, taasi oo ay isku waydaarsanayeen labada dhinac.

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo shacab ku jiraan ayaa ku dhaawacmay dagaalka socda, kuwaasi oo la dhigay Isbitaallo ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalka uu sii xoogeysanayo, islamarkaana labada dhinacna ay soo gaarayaan gurmadyo hor leh.

Puntland iyo Galmudug oo horey dhowr saxiixday heshiis nabadeed oo fashilmay, ayaan wali ka hadlin colaadda kasoo cusboonaatay bariga gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM