Dagaal ka qarxay bariga gobolka Mudug

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Labo malleeshiyo beeleed ayaa saaka dib uga qarxay deegaano ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka naga soo gaaraya gobolka ayaa waxay sheega in colaadda socota ay u dhaxayso labo beelood oo kasoo jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo mudooyinkii isku gayay bariga gobolka.

Dagaalkan ayaa ka bilowday aroortii hore ee saaka Abaare 05:00-AM deegaanka Godad, waxaana dadka degaanka ay ku soo tooseen rasaas socota, taasi oo ay isku waydaarsanayeen labada dhinac.

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo shacab ku jiraan ayaa ku dhaawacmay dagaalka socda, kuwaasi oo la dhigay Isbitaallo ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalka uu sii xoogeysanayo, islamarkaana labada dhinacna ay soo gaarayaan gurmadyo hor leh.

Puntland iyo Galmudug oo horey dhowr saxiixday heshiis nabadeed oo fashilmay, ayaan wali ka hadlin colaadda kasoo cusboonaatay bariga gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM