DF oo ka hadashay ciidan la sheegay in ay dul-dhigtay guriga Shariif

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay wararka sheegaya in ay ciidamo dul-dhigtay hoyga madaxweynihii 7aad ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed Abuukar Islow, wasiirka amniga qaranka oo Talaada maanta ah qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa eedeymahaas ku tilmaamay "warar aan sal iyo raad lahayn".

"Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam," ayuu yiri Islow, oo sidoo kale ka tirsan Golaha Shacabka.

Isagoo carabka ku adkeynaya beeninta, wuxuu raaciyey: "Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur".

Wallow uusan cid gaar ah carabaabin, "mas’uuliyiinta" ayuu ku booriyey "in ay iska hubiyaan wararka ay bulshadda la wadagayaan".

"Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Hadalka wasiirka amniga ayaa kusoo aadaya kadib markii Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ay sheegeen in labadii habeen ee lasoo dhaafay ay dowladdu ciidamo dul-dhigtay hoyga Shariif.

Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa haatan ah hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin in ka badan shan kamid ah axsaabta siyaasadda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM