DF oo ka hadashay ciidan la sheegay in ay dul-dhigtay guriga Shariif

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay wararka sheegaya in ay ciidamo dul-dhigtay hoyga madaxweynihii 7aad ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed Abuukar Islow, wasiirka amniga qaranka oo Talaada maanta ah qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa eedeymahaas ku tilmaamay "warar aan sal iyo raad lahayn".

"Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam," ayuu yiri Islow, oo sidoo kale ka tirsan Golaha Shacabka.

Isagoo carabka ku adkeynaya beeninta, wuxuu raaciyey: "Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur".

Wallow uusan cid gaar ah carabaabin, "mas’uuliyiinta" ayuu ku booriyey "in ay iska hubiyaan wararka ay bulshadda la wadagayaan".

"Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Hadalka wasiirka amniga ayaa kusoo aadaya kadib markii Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ay sheegeen in labadii habeen ee lasoo dhaafay ay dowladdu ciidamo dul-dhigtay hoyga Shariif.

Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa haatan ah hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin in ka badan shan kamid ah axsaabta siyaasadda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM