DF oo ka jawaabtay su'aallo laga keenay daahfurka iib-geynta shidaalka
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay dhaliilo iyo madmadow la sheegay in uu ku geedaaman yahay daahfurka iib-geynta todoba xirmo shidaal oo dalka laga helay.
Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, wasiir ku xigeenka Bartoolka, ayaa si toos ah u dul istaagay dhaleeceynta Xildhibaanada qaar oo ku saabsan in iib-geynta lagu soo beegay xilli qiimaha shidaalka uu hoos u dhacay.
Hoos-u-dhacaas waxaa sababay safmarka Covid-19, waxayna qayb ka tahay saameynta soo gaarey dhaqaalaha caalamka oo dhulka galay maadaama ay hakad ku yimaadeen ilahii dakhaliga sidda diyaaradaha.
"Dhowr arrin in la fahmo ayaa muhiim ah, annaga waxaan furnay waa heshiis tartan ah, sidaan horey u sheegay, tartankaas oo hal sano soconaya. Kaba soo-qaad shirkad baa guuleysatay. Shirkadda waqtiga ay kusoo diyaar-garoobeyso waa hal sano waqti ku dhow. Hal sano waqti ku dhow marka ay kusoo diyaar-garowdo oo xafiisyadda iyo waxeeda ay diyaarsato, waqtiga wax soo saarka shirkadaas la intifaacsan karo ay soo saartay waa waqti aan ka yareyn afar sano. Marka afar sano iyo maanta siduu suuqa yahay leyskuma eegi karo, arrinkaas ayaa u baahan in la fahmo," ayuu u sheegay idaacadda VOA-da, isagoo meesha ka saarey in go'aankooda uu yahay mid deg-deg ah.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in 130-ka maalgashi ee ku tartamaya wareega koowaad ee shidaal baarista ay kamid yihiin shirkado gacan saar la leh mas'uuliyiin, balse Hilaal wuu beeniyey.
"Ma jirto shirkad gaar ah oo lagu naas-nuujinayo hanaankan ama badeecadan, waan sheegay waa hanaan ay cid walba u tartameyso, ma jirto shirkado gooni ah oo xiriir la leenahay ama aan is-leenahay cid dowladda ka tirsan ay xiriir la leedahay," ayuu wasiirku ku adkeystay.
Todobada balook ee laga soo saarayo saliida oo kala ah; Jubbaland oo ah 1, Koonfur Galbeed oo ah 2, HirShabelle oo ah 2 iyo Galmudud oo ah 2, ayaa ah goobaha lagu sameeyay sahmintii ugu dambeysay.
Warbaahinta Kenya ayaa horeysay u warisay in goobahaan gaar ahaan Jubbaland ay kamid yihiin baraha ay ku saabsan tahay dacwadda badda ee u dhaxeysa dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.
Hase ahaatee, wasiir ku xigeenka ayaa qashinka ku daray arrimahaas, isagoo carabka ku dhuftay in uusan wax saameyn ku yeelan doonin hanaankan.
"Jawaabta oo kooban waa wax saameyn ah kuma lahan dacwadda badda. Maap-ka ayaad ka eegi kartaa, marka waa ceenkaas," ayuu kaga jawaabay su'aal ku saabsaneyd hadii hanaankan ay daahfureen uu saameynayo kiiska badda ee horyaala ICJ una dhaxeeya labada wadan.
Inkasta oo daahfurka hanaankan uu yimid iyaddoo uu khilaaf u dhaxeeyo dowladda iyo qaar kamid ah maamuladda, haddana araaji-qabashadda ayaa socon doonta hal sano, taas oo ka dhigan in ay ku eg-tahay 2021-ka.
GAROWE ONLINE