Dildilaaca ciidanka oo "wiiqi karta guusha wadahadalka"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guul laga gaaro wadaxaajoodyada soo aadan ee doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka waddanka Soomaaliya waxay ku xiran tahay in marka hore dib-u-qaabeyn lagu sameeyay madaxda hay’adaha amniga, sida uu aaminsan yahay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Sharci-dejiyaha ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray in ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta uu u baahan yahay "jawi xasiloon si uu ugu guuleysto waajibaadka culus".

Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wareejiyay Maxamed Xuseen Rooble "in uu hogaamiyo geedi-socodka doorashooyinka iyo qorshaha guud ee ammaanka qaranka".

Balse, siyaasiyiinta ayaa rumeysan in Rooble uusan wali u madax-banaaneyn go’aanadda qaar, waxaana ay ku boorinayaan in si loo uu u helo kalsooni buuxda uu u baahan yahay isbedel uu ku sameeyay hay’adaha ammaanka oo taliska Farmaajo uu si weyn ugu dhex-milay siyaasada iyo ololihiisa.

"Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada Amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada socda ee doorashada. Ra'iisul wasaaruhu wuxuu mudan yahay jawi deggan si uu ugu guuleysto wadaxaajoodyadda loona maareeyo geeddi-socodka doorashooyinka. Xaaladdaan ayaa si deg deg ah loogu baahan yahay dib u habeyn hoggaanka hay’adaha amniga ah si loo mideeyo loona dayactiro ciidamada," ayuu Sharmaake ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Dalabka EU-da ee ciidanka ku sugan Muqdisho

Inkasta oo dowladda ay mucaaradka ku eedeysay "kala furfurka ciidamadda," haddana dhankooda waxay xuseen in askarta ay yihiin kuwa kasoo horjeeda "diktaatooriyada Farmaajo iyo dhaqankiisa kursi isku kooleynta".

Iyagoo u muuqda mid taas ka duulaya, Midowga Yurub ayaa dalbadey in ciidamadda laga saaro magaalada Muqdisho, waxaana talaabadaas uu ku sifeeyay mid u baahan in laga dhigo qodobadda hor-tabinta koowaad leh.

Sida laga soo xigtay Nicolas Berlanga, ergayga EU-da u fadhiya Muqdisho, kala qeybsanaanta ka jirta caasimadda "ma ahan mid caawineysa dadka".

"Milatariga oo laga saara Muqdisho waa mudnaanta hadda. Kuwa doonaya inay door wanaagsan ka ciyaaraan doorashooyinka waa inay ku taageeraan ra'iisul wasaare Rooble iyo shaqooyinkiisa muhiimka ah. Muqdisho oo kala qeybsan ayna joogaan maleyshiyaad ama ciidan amni oo aan ka amar qaadin taliskooda ma caawinayso dadka Soomaaliyeed," ayuu ku qoray Twitter-ka.

Soojeedinta EU-da, mid kamid ah xulafada Beesha Caalamka ee ugu muhiimsan Soomaaliya, ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in 20-ka bishaan Maarso uu Muqdisho ka furmo shir u dhaxeeya dowladda iyo maamuladda kaasoo diirada lagu saarayo soo afmeerida is-mari-waaga raagey ee doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM