​Diiwaangalinta Murashaxiinta oo Muqdishu kasocota

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa saaka Muqdishu ka billowday diiwaan-gelinta Murashaxiinta Doorashada Madaxweynaha Somalia, oo la qaban doono 8-da Bisha Febuary, 2017.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa noqday Murashaxii ugu horeeyay ee iska diiwaan-geliyay Xarunta Villa Hargeysa, oo ku taalla Madaxtooyada dalka.

Is-diiwaangelinta oo socon doonto Saddexda maalin ee soo socoto (Khamiis, Jimco iyo Sabti), ayaa waxaa laga qaadayaa murashax kasta lacag gaareysa $30,000 (Sodon Kun oo Doolarka Mareykanka).

Xildhibaanada Labada Aqalka ee Barlamanka oo dhawaan si wadajir ah ugu shiray Muqdishu ayaa go'aamiyay in dhaqaalaha diiwaangelinta Murashaxiinta 50% lagu caawiyo dadka ay saamaysay abaartu.

Murashaxiin aad u badan, oo uu kamid yahay Madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxa'uud ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Somalia afarta sano ee soo socoto.

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay dib u dhaca faraha badan ee Doorashada dalka, oo markii 5-aad dib loo dhigay maalintii shalay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM