Doonyo siday saanad ciidan oo ku xirtay dekadda magaaladda Hobyo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dhowr doonyo oo ay ku raran yihiin saanad ciidan sida hub iyo rasaas ayaa ku xirtay dekadda magaaladda Hobyo ee gobolka Mudug, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Dadka degaanka ayaa lagu waramayaa in ay doonyahaas arkeen Axadda maanta ah ayna ka badan yihiin laba xabo.

Saraakiisha ayay saxaafadda ka soo xigtay in hubkaas loogu talo galay Taliska qeybta 21aad ee ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed kana howlgala degaanadda dowlad goboleedka Galmudug.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka loo isticmaali doono hubkaas oo tiradiisa aanu wali kala caddeyn.

Wasaaradda Amniga ayaa tilmaamtay in la siin doono ciidamo ku biirayo dagaalka Al-Shabaab si looga xoreeyo qaybaha ay kaga sugan Galmudug si dib loogu soo celiyo gacanta dowladda.

Macluumaadka qaarkood ayaa tilmaamaya in hubkan lagu ilaalin doono shaqaale ajaaniib ah, kuwaas oo bilaabaya dhismaha marsadda Hobyo. Turkiga iyo Qadar ayaa mashruucan la siiyay.

Xogaha qaarkood ayaa soo jeedinaya in qaybta soo hartay ee hubka ay tababar ku qaadan doonan ciidamo cusub oo xoojinaya dagaalka ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Ma cadda cidda/dalka iska leh ama laga leeyahay doonyaha. Sidoo kale, waxaa illaa iyo haatan aanan la ogayn halka uu ka yimid hubka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan saaran xayiraad dhanka hubka ah, taas oo xukuumaddihii talada isaga kal dambeeyay ay ajendeyaasha ugu horeeya ka dhiganayeen sidii wadanka looga qaadi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM