Doonyo siday saanad ciidan oo ku xirtay dekadda magaaladda Hobyo

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dhowr doonyo oo ay ku raran yihiin saanad ciidan sida hub iyo rasaas ayaa ku xirtay dekadda magaaladda Hobyo ee gobolka Mudug, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Dadka degaanka ayaa lagu waramayaa in ay doonyahaas arkeen Axadda maanta ah ayna ka badan yihiin laba xabo.

Saraakiisha ayay saxaafadda ka soo xigtay in hubkaas loogu talo galay Taliska qeybta 21aad ee ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed kana howlgala degaanadda dowlad goboleedka Galmudug.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka loo isticmaali doono hubkaas oo tiradiisa aanu wali kala caddeyn.

Wasaaradda Amniga ayaa tilmaamtay in la siin doono ciidamo ku biirayo dagaalka Al-Shabaab si looga xoreeyo qaybaha ay kaga sugan Galmudug si dib loogu soo celiyo gacanta dowladda.

Macluumaadka qaarkood ayaa tilmaamaya in hubkan lagu ilaalin doono shaqaale ajaaniib ah, kuwaas oo bilaabaya dhismaha marsadda Hobyo. Turkiga iyo Qadar ayaa mashruucan la siiyay.

Xogaha qaarkood ayaa soo jeedinaya in qaybta soo hartay ee hubka ay tababar ku qaadan doonan ciidamo cusub oo xoojinaya dagaalka ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Ma cadda cidda/dalka iska leh ama laga leeyahay doonyaha. Sidoo kale, waxaa illaa iyo haatan aanan la ogayn halka uu ka yimid hubka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan saaran xayiraad dhanka hubka ah, taas oo xukuumaddihii talada isaga kal dambeeyay ay ajendeyaasha ugu horeeya ka dhiganayeen sidii wadanka looga qaadi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM