​Doorashada Aqalka Sare beelaha Waqooyi oo Muqdishu kasocota

Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee ka imaanaya gobollada Waqooyi ayaa si toos ah uga socota caasumadda Somalia iyadoo ay jiraan mudanayaa kusoo baxay kuraasta qaybtood.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa sheegay in Maanta oo Isniin ah lagu dooranayo Muqdishu 3 xubnood oo kamid ah Kuraasta gobollada Waqooyi.

Doorashada oo ka dhacaysa xarunta Gaadiidka Booliska Muqdishu, ayaa axaa ku tartamayo 10 musharax, oo intooda badan ay yihiin wajiyo ku cusub siyaasadda dalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa la kulmay Shalay Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka, waxaana uu uga warbixiyay kuraasta ka dhiman ee labada Aqal ee Barlamanka.

Wadahadallo dheer kadib, waxay Guddoonka cusub ee Barlamanka iyo Guddiga Doorashada  isku raaceen in si deg deg ah loo dhamaystiro kuraasta harsan, sidoo kalena la ilaaliyo qoondada Haweenka.

Waxyaabaha sido kale ku heshiiyeen waxaa kamid ah in kuraasta ay Xildhibaanadoodu dhintaan ama ka tago in lagu soo doorto qaabka hadda Xildhibaanada lagu soo xulay oo ah inay u codeeyaan 51 Ergo.

Baarlamaanadii hore, waxaa Xildhibaanada boosaskooda ka geeriyooda soo buuxin jirin shakhsiyaad ay keenaan Odayaasha dhaqanka Beelahooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM