Dowlada oo fasax u diidey diyaarad qalab u waday Hargeysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya [SCAA] ayaa fasaxa u diidey diyaarad laga leeyahay Kenya taasoo qalab doorasho geyn lahayd Somaliland kadib ogolaansho ay ka heshay Nairobi.

Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in talaabaddana ay tahay go'aan kale oo shaki gelinaya dib-u-soo-celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal ay ku dhawaaqeen dhowaan kadib dhexdhexaadinta Qadar.

Sida ay wararku sheegayaan, diyaaradaha Astral Aviation ayaan heli karin ogolaanshiyaha ay hawada Soomaaliya ku dulmari karaan sababo ku aadan go'aanka ay Kenya dhowaan ku hakisay duulimaadyada Soomaalia.

Si kastaba ha noqotee, in kasta oo la mamnuucay, haddana shirkadda Astral ayaan wali wax sharaxaad ah ka helin Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya [SCAA] oo ku saabsan xayiraada lagu soo rogay.

Diyaaradda oo sameysa duulimaadyo gudaha iyo dibadda ah ayaa ka diiwaan gashan dalka Kenya waxaana loo malaynayaa inay leeyihiin hawl wadeeno u dhashay dalka Kenya.

Diyaar garowga doorashooyinka ayaa maraya heer gabo gabo ah degaanada Somaliland. Shirkadda waxay Kenya ka heshay fasax 72 saacadood ah oo ay qalabka ku geeyaan degaanada Somaliland ayadoo adeegsaneysa diyaaradaheeda 5Y-UAE iyo 5Y-MWM.

Kenya ayaa beenisay sheegashada ah inay dhameystirtay fasaxida diyaaradaha isaga kala gooshi lahaa magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa kadib markii ay ku gacanseyrtay Muqdisho

Inkasta oo Astral Aviation ay kireysteen mas'uuliyiinta Somaliland, haddana haddii ay ku dhaqaaqi lahayd kaliya go'aanka Kenya waxaa dhaawac soo gaari lahaa sumcad ay mustaqbalka uga howlgasho hawada Soomaaliya.

Kenya ayaa xayiraad saartay duulimaadyada aada iyo kuwa ka yimaadda Soomaaliya Asbuucii la soo dhaafay balse ma aysan sheegin sababaha ay ugu dhaqaaqday go'aankaas.

Sida ku xusan Ogeysiiska loo dirayo Airman [NOTAM], hakinta waxay soconeysaa illaa Ogosto ee sanadkan. Joojinta waxay si dhow ula xiriirtaa diidmadda Soomaaliya ee ku aadan in aysan xayiraadda ka qaadin Jaadka Kenya.

Nairobi ayaa lagu soo waramayaa inay ka carootay go’aankaas, waxayna ku doodeysaa in talaabadani ay sii saameyn doonto qorshooyinka ganacsi ee ay ku lug leeyihiin ganacsatada Miraa ee labada dal.

Kenya ayaa kamid ah wadamada sida weyn ugu dhoofiya maandooriyaha Miraa gudaha Soomaaliya. Muqdisho waxay Qaadka mamnuucdey sanadkii lasoo dhaafay sababo ku aadan Coronavirus.

Waxaa jira sheegashooyin sheegaya in Muqdisho ay daneynayso suuq siinta Qaadka Itoobiya oo la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay heshiiskii ay hogaanka labada dal ay kala saxiixdeen.

Nin la dhashay Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay heshiiska Itoobiya kana sameeyo aduun lacageed aad u tiro badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM