Dowlada Qadar oo ergay gaar ah u soo direysa Soomaaliya

Image

DOOXA, Qatar - Dowladda Qadar ayaa ergay gaar ah u soo direysa Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo illo diblumaasiyadeed. Talaabadan waxay imaaneysaa xilli dalku wajahayo kala qeybsanaan siyaasadeed doorashooyinka awadeed.

Sida xogaha muujinayaan, Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa lagu waddaa in uu magaaladda caasimada ah ee Muqdisho kasoo dego todobaadka dambe.

Al-Qahtani waa ergayga gaarka ah ee Wasaarada arrimaha dibadda Qadar u qaabilsan la dagaalanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta colaadaha.

Ilaa haatan, xukuumadaha Muqdisho iyo Dooxa ayaa fahfaahin rasmiya waxa aysan ka bixin socdaalka diblumaasigan heerka sarre ah.

Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Al-Qahtani ayaa la filayaa in uu la kulmo mas'uuliyiinta dowlada Soomaaliya iyo xubno kamid ah wakiiladda Beesha Caalamka.

"Booqashadiisu waa laba maalmood oo Muqdisho ku kooban. Dabcan, kulamada waxaa diirada lagu saari doonaa xaalada cakiran ee dalka dhanka doorashooyinka," ayuu yiri mas'uul magaciis uga gaabsaday in aan loo ogoleyn in uu warbaahinta la wadaago wax macluumaadyo ah.

Al-Qahtani ayaa Qaramada Midoobay ay 2020-kii u aqoonsatay dhexdhexaadiyaha ugu wanaagsan. Abaalmarintaas wuxuu ku muteystay doorkii uu ka cayaaray wadaxaajoodyadii Mareukanka/Afghan-Taliban.

Qadar ayaa kamid ah wadamada gacansaarka dhow la leh maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo, waxaana la rumeysan yabay in Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha hay'adda sirdoonka ee NIISA, uu yahay isku-xiraha labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM