Dowlada Soomaaliya oo safaraad ka furanaysa caasimada Morocco

Image
Image
Image
Wasiirka arrimaha dibadda Abshir Haruushe ayaa hadalkan sheegay kadib la kulanka dhigiisa Rabat.

NEW YORK, United States - Dowladda Soomaaliya ayaa Jimcihii magaalada New York kaga dhawaaqday in ay doonayso inay safaarad ka furato caasimada Morooko ee Rabat, sida laga soo xigtey North Africa Post.

Sida laga soo xigtey warbixinta, sidoo kale xukuumadda Muqdisho ayaa muujisay sidda ay uga go'an tahay in ay howlgeliso qunsuliyadda guud ee magaalada Dakhla.

Dhawaqan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii kulan uu dhexmaray wasiiradda arrimaha dibadda ee labadda dal, Abshir Cumar Jaamac (Soomaaliya) iyo Nasser Bourita (Morooko).

"Soomaaliya waxay go'aansatey inay safaarad ka furato Rabat iyo Qunsuliyadda guud ee Dakhla," ayuu boggan kasoo xigtey yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac.

Soomaaliya iyo Marooko “waxay taageerayaan madax-bannaanidooda iyo wadajirkooda dhuleed,” ayuu madaxa diblomaasiyadda Soomaaliya ku yiri war-saxaafadeedkiisa, sida ku xusan warbixinta.

Qormadda ayaa intaas ku dartey: "Labada dal waxa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo ku dhisan saaxiibtinimo iyo is-kaashi, waxaanu intaas ku daray oo uu ku ammaanay taageerada uu Boqor Maxamed 6-aad u fidiyo dalalka Afrika iyo aragtidiisa ku wajahan horumarka iyo xasilloonida Afrika".

Wasiirka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in la saxiixi doono qorshaha iskaashiga labada dal. Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa ergeyga joogtada ah ee dalka Morocco u fadhiya Qaramada Midoobay Cumar Hilaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM