Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo isfaham gaarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyey in ay lasii wado wadaxaajoodyadda lagu hagaajinayo xiriirka xumaadey ee la dhaxeeya, sida ay shaacisay xukuumada Muqdisho.

Isfahamkan ayaa, sida ku xusan war-saxaafadeedka, waxay kasoo baxay wadahadalo dhanka telefoonka ah oo ay Arbacada maanta ah yeesheen wasiiradda arrimaha dibadda labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibada dowladda federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqdey wadahadalada dhanka telefoonka ayaa waxay ku sifeysay in ay ahaayeen kuwa kusoo dhamaadey qaab diiran.

"Wasiirada Arimaha Dibada ee Soomaaliya iyo Kenya, H.E. Mudane Mohamed Abdirizak Mohamud iyo H.E. Amb. Raychelle Omamo, ayaa maanta telefoonka kuwada hadlay," ayaa lagu bilaabay bayaanka.

Warka qoraalka oo nuqul kamid a uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa la raaciyey: "Isweydaarsiga labada Wasaaradood ayaa ahaa mid diiran oo isfaham leh".

"Labada wasiirba waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo labada safaarado ee kala ah Kenya iyo Soomaaliya ee Nairobi iyo Muqdisho, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal," ayaa lagu tibaaxay warka qoraalka ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay "Wasiirradu waxay muujiyeen rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya".

"Ugu dambeyntiina, waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo dariiqyada diblomaasiyadeed iyo wadahadaladda u dhexeysa labada Caasimadood dhanka arrimaha xiriirka diblomaasiyadeed ee istiraatiijiyadeed ee mustaqbalka," ayaa lagu soo xiray.

Wadahadalada dhanka telefoonka ayaa yimid kahor shir doceedka la filayo in hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ku yeeshaan magaalada Antalaya ee Turkiga oo ay kaga qeybgalayaan madal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM