​Dowladda Somalia oo wadda qorshe ay ku joojinayso Qaadka ka yimaada Kenya

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Somalia ayaa wada qorshe ay ku joojinayso mar labaad qaadka ka yimaada dalka kenyo oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed, ka dib markii xukuumadda Nairobi ay tixgalin wayday hashiiskii labada dal ay wada gaareen 13-kii bishii September, 2016 ku gaareen magaalada Muqdishu.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Somalia ayaa xaqiijisay in Todobaadyada soo socda ay markale joojinayso qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya hadii aysan sheegin sababaha ay u filin waayeen heshiiskii dhawaan la gaaray.

Saraakiil katirsan dowladda Somalia, ayaa xaqiijiyay in Kenya aysan xil iska saarin sidii loo fulin lahaa qodobada ku qornaa is-afgaradkaas oo qaybtood dadka Somalida u arkayeen inay tahay culays ka fuqi doona.

13-kii bishii September ee sanadkan, ayaa Madaxweynayaasha labada waddan; Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ay wada saxiixdeen qodobo ay kamid ahaayeen;

  1. In Kenya joojiso Diyaaradaha rakaabka ee lagu baaro garoonka Wajeer, taasoo dhib badan ku qabaan muwaadiniinta Soomaaliya
  2. In la fududeeyo dal ku galka Kenya oo isna ay adag tahay inay si fudud u helaan dadka tagaya Kenya
  3. Iyo inay Somalia xayiraada ka qaado Qaadka ka imaanaya dalka Kenya oo ay dhaqaalo badan ka helaan shacabka waddankaas.

Inkastoo ay dowladda Somalia dhaqan galisay heshiiskaas ayaa hadana xukuumadda uu hogaamiyo Kenyatta, waxay codsadeen in la siiyo sadex bilood si ay uga fakaraan labadaas qodob.

Waqtigaas ayaa ku ekaa 03 December, 2016 mana jirto wax war ah oo ilaa waqtigaas kasoo baxay labada dhinac.

Hadii Jamhuurada Somalia ay ka dhabayso go'aankeeda ku aadan joojinta Qaadka ka yimaada waddanka Kenya,waxay noqoanaysaa markii labaad oo tallaabadan ay ku kacdo xakuumada waqtigu ka dhammaaday ee uu hogoominayo Xasan Shiikh.

Dalka Kenya, ayaa kamid ah waddamada ay ciidamadoodu joogaan Somalia iyagoo ku howlgala magaca AMISOM.

Arrintan ayaa wararka kale oo laga heleyo sheegayaan in sababteeda tahay loolanka doorashda Madaxweynaha Somalia kaasoo Madaxweyene Xasan Shiikh u arko in wadanka Kenya dowlada ka arimisa taageereyso qaar ka tirsan musharaxiinta xilka Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM