Dowladda Soomaaliya oo dhaliishay qaabka lagu keenay gaagaar ay soo direen Ruushka

Image
Wasiir Ilkajiir ayaan ka waaban in uu arrintaas kala hadlo Safiirka Ruushka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ruushka ayaa 25,000 oo tan oo gargaar bini’aadantinimo ah soo gaarsiisay magaalada Muqdisho si loogu caawiyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay gobollada dalka.

Gargaarkan ayaa gabi ahaan ka koobnaa Qamadi, waxaana ujeedka uu ahaa in lagu caawiyo dadka ka soo barakacay deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen oo aan helin wax ay cunaan.

In kasta oo gargaarkan oo wax badan ka taraayo dhibaatada ka taagan deegaanada Soomaaliyeed, haddana dadka baraha bulshada ka falcaliyay ayaa isweydiinaya; Sidee buu Qamadiga wax uga qaban karaa waxyeelada ay geysteen fatahaadaha?

Wasiirka Wasaarada Dekadaha Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir ayaan ka waaban in uu su'aalo noocaas ah weydiiyo Safiirka Ruushka oo ka qeyb galay munaasabadda deeqdan lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa u sheegay safiirka in marka xigta ay baca ku soo ridaan mucaawinada, maadaama ay qaadan doonto waqti dheer ka hor inta aan la diyaarin, laguna wareejin dadka dhibaateysan.

Soomaaliya ayaa wajaheysa dhibaato bini’aadantinimo, xilli Dowladda ay baaq u jeedisay wadamada Caalamka & Hay’adaha samafalka si loo badbaadiyo dadka ay dhibaatadu saameysey, kuwaas oo tiradooda ay kor u dhaafeyso 2 milyan oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM