Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Kenya iyo Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Farmaajo ayaa wuxuu sheegay in ay kula balamay guddoonka Midowga Afrika in uu kala shaqeeyo sidii Soomaaliya uga dhici lahayd doorasho shacabka soo doortaan wakiiladooda.

Dalalka Kenya iyo Jabuuti ayuu uga digay in ay wadaan olole ka dhan ah arrintaas, sida uu telefishinka ku hadla afka dowladda ka sheegay wasiirka warfaafinta xukuumada xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe.

Dubbe ayaa xusay in Jabuuti iyo Kenya ay waddaan olole oo ay ku doonayaan in bayaanka shir uu Guddiga Amniga, Nabada iyo Siyaasada ka yeeshay xaalka Soomaaliya lagu daro "qodobo liddi u ah qaranimadeena".

"Dowladda Soomaaliya waxay ka digeysaa xogaha xasaasiga ah ee tibaaxaya oo xaqiijinaya in dowladaha Kenya iyo Jabuuti ka dhex-wadaan olole diblumaasiyadeed oo xubnaha guddiga amniga iyo nabada Midowga Afrika kaga dhaadhicinayaan qodobo ay doonayaan in lagu darro war qoraalka ee la doonayo in uu soo saaro guddiga amniga," ayuu Dubbe ku daray.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Sidaas darteed, dowlada Soomaaliya waxay ka digeysaa wax kasta oo taabanaya gobanimada iyo madax-banaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya".

"Dowladdu waxay kasoo horjeedaa in dowladdo xubin ka ah guddiga oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso xurguf siyaasadeed ay guddiga amniga iyo nabadda Midowga Afrika u adeegsadaan ku xadgudubka madax-banaanida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya," ayuu ku daray Dubbe oo muuqaalkiisa si toos ah looga baahiyey telefishinka qaranka.

Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa u sheegay Garowe Online in eedeynta dowlada Soomaaliya u jeedisay Kenya iyo Jabuuti ay ka dambeysay markii la isku qabtey war-murtiyeedka shir Guddiga Amniga, Nabada iyo Siyaasada Midowga Afrika ka yeeshay xaalada dalka. Maamulka Farmaajo ayaa la sheegay in uu ka horudhacayo bayaanka oo si weyn isha loogu hayo.

Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa horaantii asbuucan wuxuu Midowga Afrika waydiistey in uu fududeeyo wadahadalo horseeda in Soomaaliya ka dhacdo doorasho ay isla ogol yihiin dhamaan daneeyeyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM