Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka ku dhintay fatahaadaha ka dhacay dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 42 qof ay ku dhinteen roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ka dhacay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Agaasimaha Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Xasan Cabdiqaadir Ciise, ayaa tilmaamay in ay wadaan dadaallo lagu samata bixinayo kumannaan qof oo ku go’doomay fatahaadda ka dhalatay abaartii ugu darneyd ee gobolka soo marta muddo 40 sano ah.

Agaasimaha ayaa ka digay dhibaatooyinka ka dhalan kara roobabka la filayo in ay ka da’aan gobollada dalka, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka digtoonaadaan.

Waxaa xusid mudan in 8 qof ay ku dhinteen fatahaadaha maanta ka dhacay magaalada Beledweyn ee Xarunta gobolka Hiiraan sida ay sheegtay Duqda Magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM