Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dadka ku dhintay fatahaadaha ka dhacay dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 42 qof ay ku dhinteen roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ka dhacay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Agaasimaha Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Xasan Cabdiqaadir Ciise, ayaa tilmaamay in ay wadaan dadaallo lagu samata bixinayo kumannaan qof oo ku go’doomay fatahaadda ka dhalatay abaartii ugu darneyd ee gobolka soo marta muddo 40 sano ah.

Agaasimaha ayaa ka digay dhibaatooyinka ka dhalan kara roobabka la filayo in ay ka da’aan gobollada dalka, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka digtoonaadaan.
​
Waxaa xusid mudan in 8 qof ay ku dhinteen fatahaadaha maanta ka dhacay magaalada Beledweyn ee Xarunta gobolka Hiiraan sida ay sheegtay Duqda Magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM