Dr. Mutlaq oo kulamo ka bilaabay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Qadar ee arrimaha xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa kulamo wuxuu ka bilaabay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sidda ay wararku sheegayaan.

Dr. Mutlaq oo shalay yimid Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in uu maanta Villa Soomaaliya kula shiray madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Maadaama shirka uu ahaa mid albaabada u xiran yahay, xogta laga heli karo aad bay u kooban tahay. Waxay u badan tahay in ay isla soo qaadeen xaalada cakiran ee dalku uu ku sugan yahay," ayay sheegeen illo wareedyo.

Sidoo kale, diblumaasiga ayaa la kulmay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad waxaa lagu fahfaahiyey kulanka.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Multaq Alqahtani. Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dooxa ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay waxay gacansaar dhow la lahayd maamulka Farmaajo kaasoo muddo xileedkiisa uu dhamaadey 8-dii Febraayo isla markaana doonaya in uu dalka dib ugu soo laabto.

Dhanka kale, Dr. Mutlaq ayaa lagu waramay in uu caawa la balansan yahay musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya kuwaasoo si adag uga soo horjeeda hogaaminta qaabka taliska Farmaajo rabo in doorashada u qabto.

"Kulankan caawa wuxuu noqonayaa markii ugu horeysay oo mas'uul sare oo ka socda dowladda Qadar uu la fariisto mucaaradka dowladdii ay maalgelinayeen sanadihii lasoo dhaafay," ayay ku dareen xogaha.

Kulanka musharaxiinta kadib, waxaa la filayaa in Dr. Mutlaq uu arko wakiiladda Beesha Caalamka kuwaasoo xaruntooda ay tahay xerada ammaankeeda aadka loo ilaaliyo ee Xalane kuna dhow garoonka Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM