Ducaale oo sharaxay maahmaahdii Uunsiga ee caleemasaarkii Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa si furan u macneeyay hadal muran dhaliyey oo uu ka jeediyey caleema saarkii Axmed Madoobe.

Siyaasiga labaad ee ugu awooda badan Kenya ayaa kamid ahaa wafuud badan oo ka qeybgashay damaashaadkii iyo hambalyadii madaxweynaha dib loo doortay ee maamul goboleedka Jubaland.

Ducaale ayaa fur-furashada hadal-jeedintiisa ku bilaabay maahmaah caan-baxday oo dadka ay siyaabo kala duwan u fasireen.

Maahmaada ayaa waxay ahayd "Islaan aan uunsan jirin haddey uun-sato, meel aysan ka guban jirin ayey ka gubaneysaa".

"Soomaaliya hadda siyaasiyiin aan Uusan jirin ayaan uunsanayo, meel aysan ka guban jirin ayey ka gubanayaan," ayuu ku daray.

Muddo bilooyin ah kadib, Aadan Barre ayaa wareysi uu siiyey Talafishinka VOA-da wuxuu daaha kaga rogay "ujeedkiisa erayadaas".

"Siyaasi ahaan marka aan la hadlayo dadka isoo doortay ama Soomaali weyn, maahmaahda iyo murtida ayaan iska jeclahay, laakiin maalintaa waxaan ula jeeday madaxda Soomaaliya meelay joogaan".

Wuxuu raaciyey: "Kuwa federaalka iyo kuwa gobolada, waxayna ahayd war dadka Soomaalida u tanaasula, war heshiiya, war mideeya".

"Dadka sidda kale u fasiray waxaan rabaa in aan u sheego, ninka soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo [booqashadiisa Kenya] waa aniga, dowladiisa iyo ra'iisul wasaare Khayre saaxiibo ayaan nahay".

Isagoo sii hadlaya ayuu xusay "raggii mucaaradka ku ahaa mar ayaan dhahay 'Nairobi haka mucaaradinina', marka hadaan ahay nin siyaasi oo Soomaali ah, mararka qaar talo unban u soo jeediyaa".

Gabagabadii, wallow uu ku adkeystay in uu haatan yahay mas'uul Kenyan ah, Aadan Barre Ducaale ayaanan meesha ka saarin in uu ka shaqeynayo nabadda, xasiloonida iyo horumarka Qaranka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM