Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo tafaasiil laga bixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Al-Shabaab.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda, howlgalka ayaa laga fuliyey nawaaxiga magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in weerarka oo Isniinta maanta ah la qaadey lagu khaarijiyey hal dagaalame oo ka tirsanaa ururkaas

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa tilmaamay in duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin shacab.

AFRICOM ayaa daaha kaga rogtay in ay sii wadayaan beegsiga maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeyntaas oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka xoogaga Al-Shabaab.

Todobaadkii hore, duqeyn ka dhacday agagaarka degaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose lagu dilay saddex dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM