Madaxda Soomaalida oo loo digay kahor shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa digniin u diray hogaamiyeyaasha Soomaalida kahor shirka xalka loogu goobayo khilaafka doorashooyinka ee loo balansan yahay 20-ka bishan May, 2021-ka.

Dhawaqa Nicolas Berlanga ayaa yimid ka gedaal markii uu Talaadada maanta ah Muqdisho uu kaga qeybgalay kulan wakiilada Beesha Caalamka la qaateen ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

Xafiiska Rooble oo qoraal kooban kasoo saarey kulanka ayaa yiri: "Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyin dalka".

Rooble ayaa iclaamiyey kulanka 20-ka May, 2021 kaasoo ah "fursada kaliya" ee u hartay Soomaalida in ay uga heshiiyaan is-mar-waaga daba-dheeraadey ee doorashooyinka waqtigooda lasoo dhaafay.

Sida uu aaminsan yahay Berlanga oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee mareegga Twitter-ka una muuqdey mid ka digay in uu fashilmo shirka, ma jirto cid is-hortaagi karta heshiis laga gaaro coddeynta.

"Waad ku mahadsan tahay PM Rooble inuu maanta la shiray daneeyeyaasha Soomaaliya. Kaalintiisa dhisida kalsoonida waa mid muhiim ah. Dhacdooyinkii usbuucyadii la soo dhaafay waxay muujinayaan shir-madaxeedka soo socdaa inuu yahay fursadda keliya ee hartay ee lagu muujiyo sida looga go’an yahay mustaqbalka Soomaaliya. Cidna ma ahan in ay kharibto ama ay is-hortaagto heshiis," ayuu diblumaasigan u dhashay waddanka Spain uu ku yiri qoraalkiisa aadka looga falceliyey.

Shirka loo balansan yahay 20-ka May, 2021 ayaa waxaa naga xigta laba casho oo qura illaa haatana wafuuda madaxda maamuladda sooma gaarin caasimada Muqdisho mana laga horudhici karo masiirka kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM