Faahfaahinta dab ka kacay Suuqa 2-aad ee ugu weyn Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xalay salaadii Maqrib ka dib dab qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada.

Dabka ayaa geystay khasaare hantiyeed oo aad u badan, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay dabkaasi sida ay wariyeen hay’adaha amaanka.

Dabka ayaa ka bilowday qeybta dharka ee ku dhow Masjidka Marwaas, iyadoo aan isla markii lala tacaalin oo si weyn ku fiday.

Gaadiidka dab-damiska ayaa gaaray goobihii uu dabka ka kacay, waxaana lagu guuleystay in la badbaadiyo hanti badan oo ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Suuqyada ay Soomaalidu ku leeyihiin gobolka ayaa waxaa sanadihii dambe ka kacayay dab ay ku hanti beeleen tiro badan oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM