Fadeexada sababtay is-casilaada wasiirka caafimaadka UK

Image

LONDON, UK - Matt Hancock ayaa iska casilay xilka xoghayaha caafimaadka boqortooyadda Ingiriiska kadib markii uu ku xadgudbay shuruucda kala fogaynta bulshada isagoo dhunkaday saaxiibadiisa Gina Coladangelo.

Waraaq uu u diray ra'iisal wasaaraha ayuu ku sheegay "in dowlada marka shacabka ay naftooda u huraan la tacaalida musiibadan aysan dhankooda meesha ka saari karin daacadnimadda".

Boris Johnson wuxuu sheegay inuu ka xun yahay inuu aqbalo is-casilaada oo kusoo hagaagtey markii ay soo ifbaxeen sawirro laga qaadey wasiirkii hore iyo saaxiibadiis Coladangelo 16-ka bishii May.

Mr Hancock ayaa tan iyo markii ay kusoo baxdey fadeexadaas waxaa saarnaa cadaadis ah inuu shaqada ka tago. Majaladda The Sun ayaa daabacday sawirrada Mr Hancock iyo Ms Coladangelo, oo labaduba leh saddex carruur ah, oo dhunkanaya. Wargeysku wuxuu sheegay in la geeyay gudaha Waaxda Caafimaadka.

Xubnaha Xisbiga Tory, kan shaqaalaha ee Labour-ka iyo kooxda la tacaalida Covid-19 ee u baroor-diiqaya dadka eheladooda dilay cudurka waxay ku baaqeen in xoghayaha caafimaadka la ceyriyo.

Tifaftiraha arrimaha siyaasada ee BBC-da Laura Kuenssberg ayaa sheegtay in xafiiska ra'iisul wasaaraha uu carabka kua dkeeyay in Mr Hancock uu si shaqsiya isu-casilay kuna imaan cadaadiska wasiirka koowaad.

Kuenssberg ayaa waxay rumeysan tahay in Ms Coladangelo ay sidoo kale ka tagayso kaalinteedii ahayd agaasimaha fulinta qeyb kamid ah Wasaaradda Caafimaadka.

Isla gudaha waraaqdiisa iscasilaadda, Mr Hancock ayaa wuxuu mar kale ku celiyey in uu raali-gelin buuxda ka bixinayo "jabinta shuruucda xakameynta", isaga oo dhambaalka cudurdaarka u diray dadweynaha Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM