Fahad Yaasiin oo "faragelinaya" kala shaandheynta guddiyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa wali wuxuusan fulin heshiiska doorashooyinka, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa xusay in Fahad uu faragelinayo kala shaandheynta guddiyada.

Sida laga soo xigtay Warsame, Fahad oo sidoo kale ah gacanta midig ee Farmaajo, ayaa ka shaqeynaya in guddiyada lagu muransan yahay ay baaqi ku ahaadaan saraakiisha dharcadda ee NISA.

"Taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska waxey ku ammaanan yihiin in ay fuliyeen qodobka 4-aad ee heshiiska doorashooyinka ee dhigayey in ciidanka qalabka sida uusan ku milmin, faragelinna ku sameyn arrimaha siyaasadda iyo hirgelinta doorashada, balse taliyaha hay’adda Nabadsugidda weli faraha ayuu kula jiraa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan kala shaandheynta guddiyada. Weli guddiyada waxaa ku jira xubno dharcad ah oo NISA ka tirsan," ayuu Warsame xusay.

Heshiiska 27-dii May ay Muqdisho kaga dhawaaqeen hogaamiyeyaasha Soomaalida wuxuu xeerinayaa in dalka ay doorasho kaga dhacdo muddo laba bilood ah taasoo waqti xaadirkan dhamaad ku dhow.

Isla heshiiskaas ayaa qeexaya in muhiim ay tahay taliyeyaasha ciidamadda aysan ku milmin siyaasadda kana shaqeeyaan kaliya sidii waddanka uga qeybsoomi lahayd doorasho nabdoon oo xalaal ah.

Is-fahamkaas wuxuu meesha ka saarey baaq ka imaanayey qaar kamid ah xoogaga siyaasadda oo ahaa in la bedelo taliyeyaasha ciidamadda si ay u soo laabato kalsoonida dhinacyadda isku haya coddeynta heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM