Fahfaahin: Qaraxyo ka dhacay Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdishu

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Labo qarax oo ismiidaamin ah, ayaa waxay ka dhaceen saakay nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu, kuwaasi oo geystey khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Labada qarax, oo loo adeegsaday Baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa waxaa midka hore uu ka dhacay Barkoontarool, oo ciidamada amniga dowladda Somalia ku baaraan gaadiidka gala Garoonka Diyaaradaha halka qaraxa labaad, oo isna gaari kale ku dhacay Irida Hotel Peace, oo Bishii September, 2016 lagu qabtey Shirkii 53-aad, ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD. 

Dhismaha Hotel ayaa ku burburay Qaraxa sidoo kale dhismayaal badan oo ku dhaw goobta qaraxyada ay ka dhaceen ayaa burburay, waxaana dhimashao iyo dhaawacyo kasoo gaartay shacab guryahooda ku sugan. 

AMISOM ayaa sheegtay in ciidankeeda ku sugan irida laga galo Xalane aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin labada qarax, waxaana ay intaasi ku dartay in dadka dhintay ay isagu jireen shacab iyo askarta dowladda Somalia. 

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay qaraxyada, waxaana ku dhawacmay ku dhawaad 20 kale, oo isagu jiro shacab iyo askarta dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Ururka Al shabaab ayaa sheegtey mas'uuliyada weerkaan kuwa soo fariin soo dhigey idaacadaha iyo Baraha internetka ku hadla afkooda.

Kooxda Al shabaab ayaa isku dayeysa iney carqalad galiso doorashooyinka gudoonka Barlamanka iyo Madaxweynaha Somalia oo lagu wado in Bisha January Iyadoo beegsaneysa  xarumaha dowalada iyo Hotelada halkaasoo ay dagan yihiin inta badan Xildhibanada labada aqal ee Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM