Farmaajo oo Abiy ugu hambaleeyay guusha doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah wuxuu u diray ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali.

Farmaajo oo qoraalkiisa ku qornaa luuqadda English-ka ayaa sheegay in maamulkiisa waqtiga ka dhamaadey uu kala shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka u dhaxeeya shucuubta labada waddan.

"Waxaan si diirran ugu hambalyeynayaa ra'iisul wasaare AbiyAhmedAli in uu helay muddo xileed awood badan oo kaga timid dadka Itoobiya. Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqaynta dowladiisa si loo sii xoojiyo xiriirkeena laba geesoodka ah si ay uga faa'iideystaan shucuuba labada waddan guud ahaan gobolka. Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn, Mudane ra'iisul wasaare," ayuu ku qoray Twitter-kiisa.

Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystey 410 oo ka mid ah 436 kursta baarlamaanka, sidda gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele ay kaga dhawaaqay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa. Gudoomiyaha Birtukan Mideksa ayaa sheegtay in gudiga uu gaarsiiyay doorasho lagu kalsoonaan karo.

Doorashada ayaa ahayd tijaabadii ugu horeysay ee taageerada cod bixiyaasha ee Abiy, oo balanqaaday isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaale markii loo magacaabay raiisul wasaare isbahaysiga xukuma 2018.

Xisbiga Barwaaqo Sooranka ee dhawaan uu dhisay Abiy wuxuu la kulmay mucaaradad kala daadsan. Xisbiyada mucaaradka Ezema iyo Dhaqdhaqaaqa Qaranka ee Amxaarada (NAMA) ayaa mid waliba ku guuleystay wax ka yar 10 kursi.

Doorashadan ayaa waxaa si weyn u hareeyay qaadacaadda ka imaaneysa mucaaradka, dagaal ka dhacay waqooyiga gobolka Tigray, rabshado isir ku saleysan iyo caqabado xagga saadka ah oo ka jira meelaha qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM