Farmaajo oo lagu dhaliilay "mas'uuliyad ka carar" iyo "fulaynimo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hadaljeedintii madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo waxaa ka muuqatay in uu ka cararayo mas'uuliyadda maamulkiisa ku leeyahay dhibaatooyinka ka dhashay muddo kororsiga, sida uu shaaca ka dhigay musharaxa madaxwayne kaasoo dhaqankaas ku qeexay "fulaynimo".

Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda, ayaa intaas wuxuu ku daray in hadaljeedintaas aysan ka turjumeyn dareenka dhabta ah ee xaalada dalka ku jiro.

"Mida labaad ee khudbadiisa ku jirtay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa in uu isku dayey in uu maamulkiisa ka xawilo dhibaatooyinkii dhacay oo uu u xawilo dowlado shisheeye oo aan wax lug ah ku lahayn. Taas waxaan u arkaa in ay tahay fulaynimo iyo mas'uuliyad ka carar. Qofka mas'uulka ah waxaa laga rabaa in uu si mas’uuliyad leh u qaato wixii fiican ama xun ee soo wajaha," ayuu yiri.

Guuleed oo kasoo muuqdey muuqaal uu ku faafiyey bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ku waaniyey Farmaajo in uu sameeyo tanaasul dhab ah kuna laabto miiska wadahadalka lana dhaqan-geliyo heshiisyadii hore ee doorashada.

Farmaajo oo muuqaal laga soo duubay laga sii daayey telefishinka Qaranka ayaa qaab aan toos abayn ku aqbalay baaqyada ku saabsan in uu ka laabto muddo kororsiga. Baarlamaanka ayuu xusay in uu hortagyo Sabtida soo aadan. Si dhab ah looma ogga fariinta uu la wadaagi doono mudaneyaasha Aqalka Hoose.

Adeegsiga "kaar qabiil"

Mabda' ahaan, hogaamiyeyaasha Soomaalida way isku raacsan yihiin qabashadda doorashooyinka. Hasa ahaatee, waxaa dooda ugu culus ay ka jirtaa qaabka loo qabanayo, amniga coddeynta iyo hanaanka xulista sharci-dejiyeyaasha.

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee HirShabelle oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa ku eedeeyay hogaanka Farmaajo in ay burburiyeen kalsoonida iyo is-aaminada. "Iyaddoo shir loo wada fadhiyo ayaad arkeysaa in abaabul ka socdo Puntland iyo Jubaland," ayuu tibaaxay.

"Dowladda Farmaajo waxay i gaarsiisay heer jidka kaliya ii furan uu yahay in aan kaar qabiil isticmaalo 'tol beelayey' aan iraahdo," ayuu ka dhawaajiyey.

Waare oo carabka ku adkeeyay in amniga doorashooyinka ay muhiim tahay in qof kasta uu dareemo in ay dhexdhexaad tahay ayaa hoosta ka xariiqay in laga maarmaan ay tahay in hogaamiyeyaasha siyaasada mar kale ay kulmaan.

Rajada ugu weyn ee haatan Soomaaliya ka badbaadin karta in ay sii karkarto qalalaasaha dhanka doorashooyinka, xasilooni darada, kala qeybsanaanta ciidamadda iyo amni daradda waa shirka la filayo in ay yeeshaan saamileyda wallow ay ku xirnaan doonto qaabka loo maareyo in wadahadal noqdo kulankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM