Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu wiiqay nidaamka federaalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warsidaha Garowe Online ayaa habeenimadii xalay wuxuu martigeliyey madal dood ah oo lagu qabtay nidaamka cusub ee mareegga Twtter-ka soo kordhiyey ee Twitter Space.

Dooda waxaa marti ku ahaayeen Senator Abshir Axmed Bukhaari, ku xigeenka koowaad ee afhayeenk Aqalka Sare, Senator Cabdiraxmaan Faroole horeyna u soo noqdey madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Waare, madaxweynihii hore ee HirShabelle, iyo Senator Abdirisaaq Jurile oo Aqalka Sare ka tirsan.

Intaas waxaa wehlisa oo dooda si toos ah uga qeybgalay in ka badan 700 qof oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib kuwaasoo martida hor-dhigay su'aallo ku saabsan mawduuca oo ahaa nidaamka federaalka.

Senator Abshir Axmed Bukhaari ayaa ku eedeeyay maamulka Farmaajo in afartii sano ee uu hayey xukunka dalka uu si weyn uga gaabiyey in uu sida dastuurka xeerinayo u dhaqan-gelinayo nidaamka federaalka.

Senator Cabdiraxmaan Faroole horeyna u soo noqdey madaxweynihii hore ee dowladda Puntland ayaa xusay "Farmaajo wuxuu wiiqay nidaamka federaalka ee Soomaaliya si uu baaqi ugu sii ahaado xukunka".

Waare oo si toos ah uga digay in baalmarida nidaamka federaalka uu horseedi doono in Soomaali sii kala fogaato ayaa tibaaxay in ay ka dhalan karto in gobolada qaar ay gooni-u-goosad ay ku dhawaaqaan.

"Waxaan ka cabsi qabaa in gobolada qaar ee Soomaaliya ay qaataan go'aan lamid ah gooni-u-goosadka Somaliland haddii nidaamka federaalka aan loo maareyn sidda uu yahay," ayuu tibaaxay.

Jurile oo dhankiisa soo noqdey wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in la dardarliyo nidaamka federaalka oo Soomaali ku heshiisay halkii la wiiqi lahaa.

"Haddii labada dowladood ee nidaamka federaalka Soomaaliya aysan iskaashan balse midba kan kale uu wiiqayo, waxaa suuragal ah in dalku uu galo dowlad dhexe taasoo dib-u-dhac ku keeni kara dadaallada dib la isugu soo yabyabayo Soomaaliya," ayuu kusoo xiray.

Soomaali ayaa kadib burburkii 1991-dii waxay ku heshiisay in ay qaadato nidaamka federaalka oo haatan si weyn u hirgalay marka laga reebo siyaasiyiin Farmaajo kamid yahay uu isku dayay in ay burburiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM