Farmaajo oo la sheegay "in uu halis ku yahay" amniga qaranka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa khatarta amni ee ugu weyn ee uu haatan wajahayo qaranka Soomaaliya, sida uu ka dhawaajiyey lataliyihiisii koowaad ee arrimaha amniga Qaranka, Xuseen Macalin Maxamuud.

Soomaaliya ayaa lagu tirayaa in ay kamid tahay dalalka xasiloonidooda ay ku xiran tahayyülüne deganaanshiyaha siyaasadda taasoo saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay meesha ka baxdey kadib markii Hay’addaha Dowliga uu waqtiga ka dhamaadey iyaddoo uusan jirin heshiis iyo qorshe doorasho.

Tani aaaa horseeday khalkhal amni. Al-Shabaab waxay ka faa’iideysatay mashquulka badan ee dhanka siyaasadda iyaddoo magaalooyin ay caasimada kamid tahay ka fulisay weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Intaas wax wehlisa, ciidamadda ayaa ku kala qeybsamay is-jiid-jiidka dhanka siyaasadda. Inkasta oo hadda ay dib ugu laabteen xeryahooda, Muqdisho waxay hal asbuuc martigelisay xaalad ciidan iyo isku-dhacyo dhexmaray askarta difaaca qaranka kuwaasoo la kala saftey dowladda ibo mucaaradka.

Sida uu aaminsan yahay Maxamuud oo sidoo kale ah madaxa machadka daraasaadka amniga Hiraale, xalka wuxuu ku jiraa “in Ilaahey uu kala keeno Soomaaliya iyo Farmaajo oo raba in uu fekerkiisa u saleeyo dowladnimada”.

"Khatarta ugu weyn ee hadda wajahayo amniga qaranka waa Farmaajo. [Waa] igaar [wiil] isla saxsan oo ku qooqay howshaan isaga in aysan ka badneyn cid kasta oo ka aragti duwana uu qiyaami karo ama dili karo. Inta uu soo joogay maalin uusan sidaas sameyn - ama dad ayuu dilaayey oo uu laynayey ama dad ayuu qiyaamaayey. Labadiina maanta waa la isaga daba-yimid. Qiyaamadiina waa iska diideen Soomaalida, xoogiina xooggaa loogala hor-yimid oo ‘cid aad ka xoog badan tahay ma jirto’ aaaa lagu yir,” ayun u sheegay Hanoolaato.

Maxamuud oo ku eedeeyay Farmaajo “in uu isku maleeyo in uu dalka ku qabsaday kacdoon ama afgembi” ayaa intaas ku daray in maamulka hadda arimanaya ee waqtiga ka dhacay uu rabo qabashada “doorasho booba h”.

"Doorashooyinkii uu qabtay oo Mahdi Guuleed ka markhaati kacay waxay muujinayaan nooca doorasho ee uu rabay. Iska-daba-wareegaan uu sameynayo oo uu leeyahay waan tanaasulay wali wuxuu raadinayaa oo masaxda uga jirta boobkii Baydhabo, kii Jowhar iyo kii Dhuusamareeb,” ayuu ka dhawaajiyey.

Geesta kale, Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali wax jawaab ah ka bizin eedeymaha Ivo sheegashooyinka Xuseen Macalin Maxamuud oo wareysiga Hanoolaato ku bixiyey caasimadda boqortooyadda Britain ee London.

Soomaaliya ayaa waqti xaadirkan dul-taagan isgoys iyo mindi afkeeda taasoo haddii hogaamiyeyaasha marka ay isku yimaadaan 20-ka bijstaan May ay si wanaagsan u maareeyaan mar-xalada kala gurka ka badbaadin karta qulqulatooyin doorasho balse haddii ay ku kala tagaan sababeysa cawaaqib-xumo weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM