Farmaajo oo si adag loogu eedeeyay "khiyaano qaran"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo wuxuu ku kacay khiyaano qaran iyo dembiyo kale oo liddi ku ah bani-aadannimada, sida uu shaaciyey sharci-dejiye, kaasoo sii karaar-siiyey qadiyadan hareyn doonta doorashooyinka 2021-da.

Senator Abshir Axmed Bukhaari, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, ayaa tibaaxay in Farmaajo uu mas’uul ka yahay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa 5,000 uu si qarsoodi ah u askeeyay.

Sida laga soo xigtay mudanaha, waxaa soo baxaya "warbixino kale oo sheegaya in lagu khasbay ka qeybgalka dagaal ka socda dowladda deriska ah ee Itoobiya oo gumaadeysa".

Dadweynaha ayuu cod dheer ugu baaqay in ay garab istaag u muujiyaan waalidiinta wiilashooda ka maqan tahay isla markaana ay abaabulaan banaanbaxyo lagu dalbanayo soo celinta dhalinyaraddaas "inta ka nool".

"In Mohamed Abdullahi Farmaajo uu dhallinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya in ka badan 5000 (Shan kun) si qarsoodi ah ugu askareeyey dalka Eritrea haddana ay soo baxayaan warbixino kale oo sheegaya in lagu khasbay ka qeybgalka dagaal ka socda dowladda deriska ah ee Itoobiya oo gumaadeysa shacabkeeda waa Khiyaano Qaran & dembiyo kale oo liddi ku ah bani-aadannimada," ayuu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Bukhaari ayaa intaas wuxuu raaciyey: zWaxaa ku waajib ah qof kasta oo Soomaali ah lehna damiir wadaninimo iyo mid bani-aadanimo in ay u istaagno dadaal kasta oo lagu soo badbaaninayo dhallinyaradaas ubadkeena ah ee cadawga loo gacan geliyey".

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer beenisay in askarta ay u dirty Eritrea ay ka dgaaalameen gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray. Balse, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka oo warkaas buriyey waxay xaqiijiyeen in ciidan Soomaali ah lagu daad-gureeyay ismaamulkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM