Farmaajo oo taageeray go'aanada Golaha Wadatashiga Qaranka

Image
Madaxda madasha ayuu ku tartarsiiyey in ay ka shaqeeyaan dhaqangelinta qodobaddaas.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taageero weyn wuxuu u muujiyey qodobada kasoo baxay shirkii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen Muqdisho.

Farmaajo oo muuqaal laga soo duubay ay faafisay Villa Soomaaliya ayaa war-murtiyeedka wuxuu ku sifeeyay "mid xal u ah cabashooyinka laga muujiyey qaabka ay ku bilowdeen doorashada Aqalka Hoose".

"War-murtiyeedkan wuxuu xoojiyey heshiisyadii horay ee doorashooyinka ee kasoo baxay shirarkii ku aadanaa xalinta doorashooyinka," ayuu raaciyey.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Farmaajo oo u muuqda mid la hadlay siyaasiyiinta maalmihii u dambeeyay ku eedeynayey in uu abaabul dagaal waddo ayaa ku baaqay in danta gaarka ah laga horumariyo tan guud.

"Soomaaliya ma joogto mar-xalad la kala qeybsamo. Jidka kaliya ee looga baaqsamo caqabadaha waa in madaxda dowlad goboleedyadda ay qaataan fulinta iyo qabashadda doorashadda Golaha Shacabka. Danta gaarka ahna laga horumariyo danta guud," ayuu xusay.

Madaxda golaha wadatashiga qaranka ayuu ku tartarsiiyey in ay ka shaqeeyaan sidii ay u dhaqan-gelin lahaayeen "qodobada ku cad war-murtiyeedkooda iyo guud ahaan jadwalka".

"Sidaas awgeed, waxaan ku adkeynayaa madaxda golaha wadatashiga qaranka in ay hirgeliyaan qodobada ku cad war-murtiyeedkooda iyo jadwalkooda," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Madaxda Soomaalida ayaa kadib shir ay asbuucii horey ku yeesheen caasimada Muqdisho waxay kasoo saareen go'aano 18 qodob ah kuwaasoo ay ugu muhiimsan tahay in 41-casho - oo ka bilaabanaysa 15-ka Janaayo - lagu soo afjaro doorashada Aqalka Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM